Su’aalaha Soo-Noqnoqda

Hoos waxaa ku qoran jawaabaha su'aalaha waalidku si joogto ah noo waydiiyaan. Wixii xog dheeraad ah, ama si aad u hesho jawaabaha su'aasha aadan halkaan ku arag, waxaad la xariiri karta Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio (CPR) ood ka wacayso 1-888-810-OHIO (6446) si aad ula hadasho wakiil khadka ku jira.

Wakiillada ayaa la heli karaa Isniinta - Jimcada 8:00 a.m ilaa 5:00 p.m. Waqtiga Bariga.

Baro wax wax badan oo ku saabsan diiwaangelinnada caafimaadka iyo tallooyin ku saabsan sida loogu diyaargarooobo samaynta aabbanimada isbitaalka.

Su'aalaha Badanaa la iswaydiiyo ee Sharciga Aabonimada

  • Aabenimo waxaa laga wadaa sharciyada aabonimada. Nidaamka aabenimo waa qaabka aabaha ilmaha dhalay ku noqdo aabaha sharciga ah ee cunugiisa haddii asaga ama hooyada ilmuhu aysan isqabin.
  • Waalidiinta aan isqabin, aabenimada waa in la aasaasaa kahor intaan magaca aabaha uusan kasoo bixin shahaadada dhalashada.
  • Aabenimada ayaa la aasaasi karaa markii la doono kahor intaan ilmuhu gaarin 23 sano jir. Aabenimada waxaa la go'aamin kara xataa haddii waalidka kale uu ku nool yahay gobal kale ama wadan shisheeye.
  • Gudaha Ohio, haddii haweeneeyda la qabay markay ilmaha dhashay ama waqti kasta oo kale intii lagu jiray 300 ee maalmood kahor dhalashada ilmaha, ninkeeda ayaa loo aqoonsanayaa inuu yahay aabaha dabiiciga ah ee ilmaha ilaa in aabenimada loo asteeyo maahee aabihii dhalay.

Waalidiinta aan isqabin gudaha Ohio, aabenimada ayaa lagu aasaasi karaa sadex qaab:

  1. Buuxinta iyo saxiixida Cadaynta XaqiijintaAabenimada (JFS 07038): Haddii labada waalidba isku raacaan inay yihiin waalidka rasmiga ah ee cunuga, "Cadaynta Aabenimada" ayaa la buuxin karaa. Ayagoo saxiixaaya foomka, labada waalid ayaa aasaasaaya aabenimada cunugooda - taasoo ka dhigan inuu ninku yahay aabaha sharciyan loo aqoonsaday. Buuxinta foomku qasab maaha, waana bilaash, waana qaabka ugu fudud ee lagu aasaaso aabenimada.

    Cadaymaha aabenimada ayaa lagu buuxin karaa isbitaalka marka ilmuhu dhasho ama kadib adoo tagaaya diiwaanka deegaankaaga (waaxda caafimaadka) ama wakaalada taageerada sharci fulinta ilmaha ee degmadaada (CSEA). Midkood labada waalid ayaa wici kara Xarunta Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio (CPR) oo laga wacaayo 1-888-810-OHIO (6446) oo soo codso in nuqdi foormka oo eber ah boostada lagugu soo duro.

  2. Baaritaanka hide sidayaasha, oo uu raacaayo Amarka xaqiijinta Aabenimada (JFS 07774) ee wakaalada fulinta taageerada ilmaha ee deegaankaaga (CSEA): Baaritaanka hide sidaha ayaa la samayn karaa marka la waayo cadayn kama danbays ah oo lagu go'aansho aabenimada, ay jirto tuhun laga qabo cida aabaha noqon karta ama haddii aabenimada la isku haysto. Hooyada, aabaha ilmaha lagu tuhmaayo ama cunuga ama masuulka cunuga ayaa codsan kara CSEA inay samayso baaritaanka hide sidaha si loo go'aansho cida aabe u ah imaha. CSEA ayaa intaas kadib amraysa dhammaan dhinacyada inay galaan baaritaanka hide sidaha waxayna soo saaraysaa Amarka Maamulka ee Aabenimada ayadoo raacaysa natiijada baaritaanka hide sidaha. Si loosoo saaro amarka cida aabe ah, baaritaanku waa inuu muujiyaa ugu yaraan 99% suuragalnimada in ninku yahay aabaha. Haddii dhinacyadu ka codsadaan baaritaanka hide sidaha CSEA, CSEA ayaa mudayn doonta dhagaysi taageero ah si loo helo amarka taageerada cunuga marka aabihiis la xaqiijiyo. Haddii midkood labada dhinac uu ku fashilo inuu keeno baaritaanka hide sidaha ama ku fashilmo inuu soo gudbiyo baaritaanka hide sidaha, CSEA ayaa codsan karta in maxkamadu qofka u aqoonsato qayru masuul kadibna soo saaraysa go'aanka cida aabuhu yahay.

    Haddii hooyo ku nooshahay Ohio, fadlan la xariir CSEA ku taala degmada hooyadu dagan tahay. Haddii hooyo ku nooshahay banaanka Ohio, fadlan la xariir CSEA ku taala degmada aabuhu dagan yahay.

  3. Amarka Maxkamada ee Aabenimada: Amarka maxkamada ee aabenimada ayaa lagu gaari karaa maxkamada carruurta ama maxkamada xariirada qoyska (ayadoo qayb ka ah furiin).

Sharciyada federaalka ayaa ka doonaaya gobal kasta inuu lahaado diiwaanka aabaha ee dhammaan carruurta ku dhasha bilaa meher. Gudaha Ohio, diiwaankaan ayaa loo yaqaanaa Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio (CRP). Ujeedada diiwaanka ayaa ah in la aruursho lagana shaqeeyo dhammaan dukumiintiyada ay soo saarto CSEA, isbitaallada, waaxda caafimaadka laanteeda tirakoobka iyo maxkamada. Diiwaanku wuxuu xaqiijiyaa in aysan jirin dukumiintiyada kale ee aabaha oo cunugu lahaa, kadibna waxay soo soocdaa agabka xogta gaarka ah ee dukumiinti kasta. Xogtaan ayaa lagu hayaa hal kaydka xogta ah (oo loogu yeero kaydka xogta ee CPR). Marka diiwaanku gasho dukumiintiyada aabenimada kaydka xogta, dukumiintiyadii hore ee aabenimada ayaa loo dirayaa Waaxda Caafimaadka ee Ohio si diiwaanka dhalashada wax looga badalo looguna qoro magaca aabaha lagana dhigo diiwaanka rasmiga ah. Dhawr daqiiqo gudahood, xogta ayaa la siiyaa CSEA si ay uga caawiso abuurista taageerada cunuga. CRP ga Ohio ayaa bixiya aasaaska isku xirka, waxbarashada, tababarka, hagida, qiimaynta, caawimaada farsamada ee isbitaallada dhalmada, waaxaha caafimaadka maxaliga ah, xafiisyada fulinta sharciyada taageerada ilmaha, maxkamadaha, iskaashatada bulshada iyo waalidiinta aan isqabin. CPR waxay sidoo kale leedahay xarunta wicitaanka (1-888-810-OHIO (6446)) taasoo xog siisa waalidiinta, xarumaha dhalmada, diiwaannada, maxkamadaha, iyo CSEA yada si ay u helaan jawaabaha su'aalahooda la xariira hab raaca ama kiisaska gaarka ah.

  • Marka magaca qofka lagu qoro shahaadada dhalashada, aabaha ayaa helaaya xaquuqaha sharciyada cunugiisa. Cunugiisa ayaa helaaya gunnooyinka sida Social Security, caymiska nolosha, gunnooyinka ciidanka, iyo dhaxalka.
  • Cunugaaga ayaa sidoo kale heli doona caymiska caafimaadka ee aabihiis iyo sidoo kale taariikhaha caafimaadka iyo asalka labada qoys ee hooyada iyo kan aabaha.
  • Waxay u sahlaysaa labada hooyada iyo aabaha inay abuuraan xariir dareen oo ay la yeeshaan cunugooda ayna wadaagaan masuuliyada iyo faa'iidooyinka waalidnimada.
  • Xaqiijinta aabenimadu waa talaabada koobaad ee abuurista amarka taageerada cunuga.
  • Su'aalaha Badanaa la iswaydiiyo ee Sharciga Aabonimada

Su'aalaha Badanaa la iswaydiiyo ee Cadaynta Aabenimada

Haddii aysan isqabin, labada waalidbana isku raacaan inay yihiin waalidka rasmiga ah ee cunuga, "Cadaynta Aabenimada" ayaa la buuxin karaa. Ayagoo saxiixaaya foomka, labada waalid ayaa aasaasaaya aabenimada cunugooda - taasoo ka dhigan inuu ninku yahay aabaha sharciyan loo aqoonsaday. Buuxinta foomkaan qasab maaha, waana bilaash, waana qaabka ugu fudud ee lagu aasaaso aabenimada. Marka la buuxsho, Xaqiijinta Cadaynta Aabenimada ayaa loo adeegsadaa in lagu daro aabaha dhalay cunuga shahaadada dhalashada ee cunuga.

Xaqiijinta aabenimadu waa g'aan muhiim ah. Buuxinta foomka cadaynta aabenimadu waa qaabka ugu fudud uguna dhakhsaha badan ee waalidiinta aan isqabin ay ku aasaasaan aabenimada sharciga ah magaca aabahoodna ku gelinayaan shahaadada dhalashada. Xaqiijinta aabenimadu waxay ku siinaysaa adigga iyo cunugaaga xaquuqaha iyo fursadaha aad u baahan tihiin aadna u qalantaan.

  • Marka magaca qofka lagu qoro shahaadada dhalashada, aabaha ayaa helaaya xaquuqaha sharciyada cunugiisa. Cunugiisa ayaa helaaya gunnooyinka sida Social Security, caymiska nolosha, gunnooyinka ciidanka, iyo dhaxalka.
  • Cunugaaga ayaa sidoo kale heli doona caymiska caafimaadka ee aabihiis iyo sidoo kale taariikhaha caafimaadka iyo asalka labada qoys ee hooyada iyo kan aabaha.
  • Si lamid ah isla muhiimadaas, xaqiijinta aabenimadu waxay u sahlaysaa labada hooyada iyo aabaha inay abuuraan xariir dareen oo ay la yeeshaan cunugooda ayna wadaagaan masuuliyada iyo faa'iidooyinka waalidnimada.
  • Haddii aad wax shaki ah ka qabto cidda uu yahay aabaha cunugu, ha saxiixin Xaqiijinta Cadaynta Aabenimada. Waxaa laga yaabaa inaad doonayso inaad marto baaritaanka hide sidaha kahor intaadan go'aansan.

  • Hooyo xaas ah
  • Hooyo la furay 300 oo maalmood gudahood kahor dhalashada cunuga ilaa inay cadaynta guurka kama danbaysta ah soo qaadatay maahee kaasoo sheegaaya inuusan xaaskeedu ahayn aabaha ilmaha.
  • Hooyo sharciyan ay kala tageen ninkeeda
  • Haddii uu jiro shaki la xariira cidda uu yahay aabaha ilmuhu

Waxaa jira xaalado gaar ah oo ka hor istaagi kara qof inuu adeegsado cadaynta xaqiijinta aabenimada. Haddii aadan hubin, la xariir CSEA ga deegaankaaga.

  • Mid kasta oo kamid ah waalidka wuxuu u baahan yahay aqonsiga saqirka leh iyo lambarka Social Security.
  • Labada waalidba waa inay keenaan magacooda buuxa iyo ciwaanka hadda, taariikhda dhalashada, iyo SSN (hadday haystaan. Aabuhu waa inuu sidoo kale keenaa gobalka ama wadanka uu ku dhashay
  • Labada waalidba waa inay saxiixaan cadaynta ayadoo uu la noojo nooyaada dadwaynaha waana inay nootaayo saaraan cadaynta, laakiin qasab maaha inay isla markaas saxiixaan.

Nootaayooyinka ayaa lagu baxshaa qaab bilaash ah waxaana laga helaa isbitaallada, diiwaannada maxaliga ah iyo CSEA yada.

Haddii lagu hor saxiixayo qof nootaayaha ah hortiisa, waalid kasta waa inuu dhiibaa oo uu tusaa, kaar Aqoonsi sawir ku dhegan oo dowladdu bixisay. (Haddii waalidku uu xaanishda markhaatiyaal ku hor saxiixay, markaa aqoonsi sawir ku dhegan looma baahna.) Nooca Aqoonsi ee la aqbali karo waxaa ka mid ah:

  • Ruqsada darawalnimada
  • Kaarka Aqoonsiga gobolka (waxaa laga heli karaa xafiiska Waaxda Baabuurta iyadoo lacag qiimo iska yar lagu soo qaato)
  • Baasaboor ama aqoonsi kale oo dawladu ay bixisay, aqoonsi sax ah ee wadamo kale ah oo asalk ah (waa in ay ku qornaantaa Tilmaamaha Hubinta Aqoonsiga Caalamiga ah si loo aqbalo haddii uu ka yimid waddan kale)

  • Cadaynta waa in loo diraa Diiwaanka dhexe ee Aabenimada ee Ohio. Ciwaanka boostada ayaa kasoo baxaaya cadaynta qaybta "Ogaysiiska Xuquuqaha iyo Masuuliyada iyo Damaanadaa Badqabka Hanaanka." Cadaymaha waa in la diraa 10 maalmood gudahood marka saxiixa ugu danbeeya la saaro.

Haddii aad cadaynta ku buuxinayso isbitaalka, waaxda caafimaadka/tirakoobka muhiimka ah, ama wakaalada fulinta taageerada ilmaha ee degmada, shaqaalaha ayaa boostada kuugu dirayaa foomka.

Xaashida dhaarta waxay kama dambays tahay 60 maalmood ka dib laga bilaabo taariikhda saxiixa ugu dambeeya, ilaa inta xaashida dhaarta si sax ah loo saxiixay, la nootaayeeyo ama markhaati fur loo hela oo CPR loo gudbiyo. Kuwa saxiixaya waxay codsan karaan in xaanshida dhaarta laga tanaasulo kaliya inta lagu jiro muddada 60-ka maalmood ah.

Ma jirto lacag kaaga baxaysa buuxinta Cadaynta Xaqiijinta Aabenimada.

  • Marka isbitaalka la joogo, waalidka aan isqabin ayaa buuxin kara kadibna saxiixi kara cadaynta si loo xaqiijiyo aabenimada cunugooda. Haddii labada waaliba aysan saxiixin cadaynta, magaca aabaha laguma qoraayo shahaadada dhalashada ilmuhuna ma lahan wax aabe sharci ah markaas. Maadaama ay qasab tahay in cadaynta ay saxiixaan labada waalidba, haddii midkood diido, aabenimada laguma xaqiijin karo qaabkaas. Hase yeeshee, waalidiinta ayaa dooran kara inay aabenimada cadeeyaan mardanbe ayagoo codsanaaya inay adeegyada ka helaaan wakaalada fulinta taageerada carruurta ee degmadooda (CSEA). Si aad u codsato caawimaada CSEA ee xaqiijinta aabenimada, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso aadna dirto foom loogu yeero “Codsiga Adeegyada Taageerada Carruurta, Codsadaha Caawimaada Gaarka ah (JFS 07076).” Foomkaan ayaa laga heli karaa CSEA da degmadaada. CSEA ayaa marhoraba kugu hayn karta faylka, ayadoo ku xiran inaad horay iskaga qortay iyo inkale adeegyada taageerada ilmaha ama haddii aad hesho adeegyada lagu baxsho Xafiiska Caawimaada Qoyska ama Adeegyada Difaaca. Si fudud ula xariir CSEA ga degmadaada oo u sheeg inaad doonayso bilaabida adeegyada taageerada ilmaha. Haddii hooyo ku nooshahay Ohio, fadlan la xariir CSEA ku taala degmada hooyadu dagan tahay. Haddii hooyo ku nooshahay banaanka Ohio, fadlan la xariir CSEA ku taala degmada aabuhu dagan yahay.

Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS. Mid kasta oo kamid ah 88 degmo ee gobalka ayaa leh CSEA, ayna ka shaqeeyaan dad aad u yaqaana sharciyada iyo xeerarka Ohio, kuwaasoo ka jawaabi kara su'aalahaaga kuuna sharci kara xaquuqdaada.

Haddii midkood labada dhinac uu ku fashilo inuu keeno baaritaanka hide sidaha ama ku fashilmo inuu soo gudbiyo baaritaanka hide sidaha, CSEA ayaa codsan karta in maxkamadu qofka u aqoonsato qayru masuul kadibna soo saaraysa go'aanka cida aabuhu yahay.

Maya. Inkasta oo labada waalidba looga baahan yahay inay xaashida dhaarta saxiixaan, waxay saxiixi karaan iyada oo qofka kale aan isla joogin oo qofba mar saxiixayo. Si kastaba ha ahaatee, saxiixa waalid kasta waa in qof nootaayo haysta ama la markhaati hortiisa lagu saxiixaa. Kadib marka ay labada waalidba xaashida saxiixeen oo shaabada nootaayada/markhaati hor joogaan la saxiixo, xaanshida dhaarta waxaa si toos ah loogu diri karaa Xafiiska Dhexe ee Diiwaanka Aabbanimada. Ciwaanka boostada ayaa kasoo baxaaya cadaynta qaybta "Ogaysiiska Xuquuqaha iyo Masuuliyada iyo Damaanadaa Badqabka Hanaanka." Xaashida dhaarta waa in lagu soo diraa 10 maalmood gudahooda laga bilaabo maalinta saxiixa ugu dambeeyay la saxiixay.

Haa, marka la xaqiijiyo in ilmuhu ku dhashay Ohio, ama mid kamid ah waalidiinta ama labaduba ku nool yihiin Ohio. Ayadoo laga eegayn muwaadinimada waalidka, markaas waxay xaqiijin karaan aabenimadooda cunuga, oo ah muwaadin maraykan ah marka la xaqiiyo in dhammaan dukumiintiyada loo baahan yahay iyo aqoonsiga saxda ah la keeno. Foomkan looma adeegsado in lagu basaaso muwaadiniinta aan Maraykanka aheyn.

Xaqiijinta aabenimada iyo masuuliyada ilmaha waa labo arimood oo kaladuwan. Sida ku cad Sharciga La muraajaceeyay ee Ohio, haddii cunug ay dhasho hooyo aan la qabin, hooyada ayaa ah waalidka keliya ee la dagan waana masuulka sharciga ah ee ilmaha ilaa in amar maxkamadeed lasoo saaro maahee. Marka aabenimada la xaqiijiyo, aabaha ayaa codsan kara booqashada ama xaquuqaha masuuliyada asaoo adeegsanaaya nidaamka maxkamada.

Waxay ku xiran tahay xaalada. Labada waalidba waxaa masuuliyad ka saaran tahay taageerada ilmahooda. Inta badan, waa arin u taala masuulka ilmaha inuu codsado taageero. Hase yeeshee, haddii aad helayso gunnooyinka qaarkood, aabaha ayaa laga doonayaa inuu dhiibo taageerada ilmaha. Haddii aad su'aalo qaas ah ka qabto xaaladaada, fadlan la xariir wakaalada fulinta taageerada ilmaha ee deegaankaaga.

Haa, waalidiinta da'yarta ah ayaa saxiixi kara Foomka Xaqiijinta Cadaynta Aabenimada. Ma jiraan shuruudo kale oo laga doonaayo waalidiinta da'yarta ah.

  • Midkood labada waalid ee saxiixay Xaqiijinta Cadaynta Aabenimada ayaa keeni kara codsi looga laabanaayo muddo 60 maalmood gudahood ah lagasoo bilaabo saxiixii ugu danbeeyay ee cadaynta la saaro. Wakaalada Fulinta taageerada ilmaha (CSEA) oo ah meesha cunuga ama masuulka ama qofka leh masuuliyada ilmaha uu dagan yahay ayaa kaa caawin karta hawshaan. Hanaanka ayaa maraaya buuxinta foomka ka laabashada, iska qorista baaritaanka hide sidaha, iyo samaynta baaritaanka hode sidaha. CSEA ayaa soo saaraysa amarka aabenimada ayadoo cuskanaysa natiijooyinka.
  • Kadib markay dhamaato muddo 60 maalmood ah, labada dhinac midkood ayaa keeni kara dacwad maxkamadeed oo uu uga laabanaayo saxiixa 1 sano gudihiis kadib marka cadayntu kama danbays noqoto. Ninka loo arko inuu yahay aabaha cunuga sida ku cad sharciga Ohio ee aan saxiixin cadaynta, midkood labada qof ee saxiixay cadaynta, ama masuulka ama wakiilka sharciga ah ee ilmaha ayaa soo gudbin kara dacwad lagu burinaayo cadaynta ayadoo la cuskanaayo eedaynta khiyaano, boob, ama khalad ka dhashay dukumiintiyada.
  • Kadib 1 sano marka laga joogo taariikhdii ugu danbaysay ee cadaynta la saxiixay, qof ayaa diri kara mooshin lagu burinaayo xaqiijinta cadaynta aabenimada asagoo ku diraaya dacwad maxkamadeed sida ku ah Sharciga Cusub ee Ohio farqooyinkiisa 3119.96 ilaa 3119.967.

Haddii xaanshida dhaarta aan si sax ah loo buuxin, ama aan la saxiixin oo la nootaayayn ama la markhaati furin, xafiiska CPR ayaa go'aamin doona in xaanshida dhaarta aanan si sax u buuxsanayn oo labada maalid midkooda ugu soo celin doona. Xaanshi dhaar cusub ayay u baahnaan doonaan in waalidiinta soo buuxiyaan oo dib ay u soo diraan ama u soo gudbiyaan.

  • Marka aabaha iyo hooyadu ay saxiixaan Cadaynta Xaqiijinta Aabenimada, midkood labada qof ayaa codsan kara in laga laabto cadaynta (ka baxo) asagoo la xariiraaya CSEA 60 maalmood gudahood taariikhda saxiixii ugu danbeeyay ee cadaynta. Midkood abada qof ayaa buuxin kara "Codsiga Go'aaminta iyo Ogaysiiska Aabenimada oo loo diraayo Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada" (JFS 07029) oo laga helaayo CSEA. CSEA ayaa ogaysiiskaan u diraaya CPR kadibna codsanaaya in baaritaanka hide sidaha la sameeyo si loo xaqiijiyo aabenimada. CRP ayaa ogaysiiska u diraaya Waaxda Caafimaadka ee Ohio (ODH) iyo diiwaanka dhalashada ayaa la gelin doonaa hakin ilaa aabenimada. Marka baaritaanka hide sidaha la sameeyo CSEA duna ay soo saarto amarka maamulka oo go'aaminaaya aabenimada, diiwaanka dhaashada cunuga ayay cusboonaysiin doontaa ODH.

Su'aalaha La iska waydiiyo Baaritaanka Hide sidaha

Midkood waalidka ayaa ka codsan kara in wakaaada fulinta taageerada carruurta (CSEA) inay fuliso baaritaanka hide sidaha. Foomka Xaqiijinta Cadaynta Aabenimada ayaan la adeegsan karin ilaa labada waalidba ay hubaan maahee in ninka ku qoran foomku uu yahay aabaha ilmaha dhalay.

Baaritaanka hide siduhu, oo sidoo kale loogu yeero DNA, ayaa go'aamin kara haddii aabaha la tuhumaayo uu yahay aabaha ilmaha dhalay. Baaritaanka ayaa 99.9% sax ah marka la go'aaminaayo suuragalnimada in ninku yahay aabaha ilmaha dhalay.

Wakaaladaha taageerada ilmaha ayaa ku cadaadinaysa ninka inaad keento xogta ugu badan marka hore si uu midkood u cadeeyo aqoonsigiisa ka aabe ahaan ama looga saaro baaritaanka hide sidaha.

Hide sidaha, ama baaritaanka DNA ga, waxaa lagu qaadaa in sanballo la qaado, kuwaasoo loo diraayo shaybaadhka si la isku babac dhigo faahfaahinta laga helo sanbalka cunuga oo lamid noqonaaya kuwa ninka iyo hooyada. Inta badan, dheecaan laga qaado daanka ayaa laga qaadaa hooyada, ilmaha, iyo aabaha.

Baaritaanku wuxuu muujinayaa 99.9% saxnaanshaha in ninku uu yahay ama uusan ahayn aabaha ilmaha dhalay.

Maya sinaba. Inta badan, dheecaan laga qaado daanka ayaa laga qaadaa hooyada, ilmaha, iyo aabaha. Dheecaanka la qaado ayaa ka kooban dheecaanka gudaha midkasta oo kamid ah daamanka wuxuuna qaadanayaa wax kayar daqiiqad.

Baaritaanka hide sidaha ayaa lagu samayn karaa carruurta yaryar ilaa markay dhashaan ayadoo la adeegsanaayo dheecaanka. Dheecaanka la qaado ayaa ka kooban dheecaanka gudaha midkasta oo kamid ah daamanka wuxuuna qaadanayaa wax kayar daqiiqad.

Maya, baaritaanka hide sidaha keliya ma cadayn karo sharciyada aabenimada. Amarka maamulka ama maxkamada oo lagu saleeyay natiijooyinka baaritaanka hide sidaha ayaa abuuri kara sharciyada aabenimada.

Marka baaritaanka hide sidaha aan horay loo samayn ayna amarto wakaalada fulinta taageerada ilmaha (CSEA), waxaa lacagtiisa dhiibaaya CSEA. Marka maxkamadu amarto baaritaanka hide sidaha, maxkamada ayaa amri karta in qofka codsaday baaritaanka hide siduhu dhiibo qarashkiisa. Hase yeeshee, waalidiinta helaaya adeegyada uu bixiyo Xafiiska Caawimaada Qoyska ama Adeegyada Difaaca ama la ogaado inay yihiin kuwo danyar ah ayaa laga yaabaa in laga dhaafo bixinta qarashka baaritaanka hide sidaha. Qarashka baaritaannadaan ayaa caadiyan ah mid raqiis ah. Waa inaad arintaan kala hadashaa CSEA.

Baaritaanka hide sidaha ayaa lagu samayn karaa wakaaladaha fulinta taageerada ilmaha ee degmada (CSEA). Kadib markaad hesho natiijooyinka baaritaannada hide sidaha, CSEA ayaa soo saaraysa amarka xaqiijinta ama xaqiijin la'aanta aabenimada. CSEA ayaa sidoo kale diri kara dukumiintiga badalida shahaadada dhalashada cunuga si waafaqsan go'aanka. Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS.

Qolo kale ayaa la xariiri karta wakaaladaha fulinta taageerada ilmaha (CSEA) degmadiisa si looga caawiyo helitaanka baaritaanka hide sidaha marka waalid ku nool yahay banaanka. Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS.

Su'aalaha la iska waydiiyo badanaa Xaalad Gaar ah

  • Cadayntu waa foom ikhtiyaari ah oo ay buuxinayaan labada waalid ee ilmaha dhalay. Haddii labadooda midkood waalidka aan la heli karin ama uusan doonayn inuu saxiixo cadaynta, waalidka kale ayaa codsan kara in aabenimada la xaqiijiyo si bilaash ah asagoo maraaya wakaalada fulinta taageerada ilmaha (CSEA).

Si aad u codsato caawimaada CSEA ee xaqiijinta aabenimada, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso aadna dirto foom loogu yeero “Codsiga Adeegyada Taageerada Carruurta, Codsadaha Caawimaada Gaarka ah” (JFS 07076). Si fudud ula xariir CSEA ga degmadaada oo u sheeg inaad doonayso bilaabida adeegyada taageerada ilmaha ayadoo la xaqiijinaayo aabenimada oo loo maraayo baaritaanka hide sidaha.

Waxaad la xariiri kartaa wakaalada fulinta taageerada ilmaha (CSEA) si aad u aragto haddii ay ku caawin karto. Waxaad u baahan kartaa inaad maxkamad tagto si aad arinta dacwad uga furto. Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS.

  • Gudaha Ohio, haddii haweeneeyda la qabay markay ilmaha dhashay ama waqti kasta oo kale intii lagu jiray 300 ee maalmood kahor dhalashada ilmaha, ninkeeda ayaa loo arkayaa inuu yahay aamaha sharciga ah ee ilmaha. Isbitaalku ma gelin karo magaca aabe kale shahaadada dhalashada.

Aabaha ilmaha sheegta ayaa xaq u leh inuu la xariiro wakaalada fulinta taageerada carruurta (CSEA) si uu u codsado baaritaanka hide sidaha. Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS.

  • Waxaad la xariiri kartaa wakaalada fulinta taageerada ilmaha (CSEA) si aad u aragto haddii ay ku caawin karto baaritaanka hide sidaha. Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS.

Waxaad sidoo kale ka fiirsan kartaa inaad iska diiwana geliso Diiwanaka Aabaha Ilmaha ee Ohio (OPFR). OPFR waa kaydka xogta oo kumbuyuutar ah oo ay hayso Waaxda Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio. OPFR wuxuu u sahlayaa ninka inuu isdiiwaan gasho haddii uu aaminsan yahay inuu aabe u yahay ilmo uuna donaayo in loo sheego haddii ilmaha loo dhiibo dad korsanaaya. OPFR si joogto ah ayaa loo baaraa asagoo qayb ka ah hanaanka si loo go'aansho in cunuga sharciyan loo korsan karo iyo inkale. Haddii cunug loo dhiibo dad korsada aabaha sheeganayana uu ku jiro diiwaanka, aabaha sheeganaaya ayaa loogu sheegi doonaa boostada xogta wakaalada iskudayaysa inay ilmaha qof korsada ku wareejiso. Aabaha sheeganaaya ilmaha ayaa codsan kara talo sharci oo la xariirta xaquuqdiisa aabenimo. OPFR ayaa sidoo kale ka caawinaaya dhinacyada doonaaya inay aqoonsadaan aabaha laga yaabo inuu ilmaha dhalay ayagoo diraaya codsiga ka raadinta qofka diiwaanka.

Marka hooyadu xaas leedahay, ninkeeda ayaa loo aqoonsanayaa aabaha caadiga ah ee ilmaha. Hooyada, ninka ilmaha loo tirinaayo, ama aabaha lagu tuhmaayo ayaa codsan kara codsiga aabenimada oo ay ka codsanayaan CSEA. Dhammaan dhinacyada ayaa la baari doonaa kadib CSEA ayaa soo saaraysa midkood "Amarka Xaqiijinta Aabenimada ee CSEA” (JFS 07774) ama "Amarka CSEA ee Jiritaan La'aanta Xariir Aabenimo oo ilmaha kala dhexeeya Ninka" (JFS 07771) oo ku aadan aabe kasta oo la baaray.

  • Waalidka aan xabsiga ku jirin ayaa buuxin karaa qaybtooda ee xaanshida Dhaarta ee Qiritaanka Waalidnimada oo u diri kara waalidka kale, haddii waalidka xiran ay jirto qaab xaanshida dhaarta lagu nootaayogareen karo ama markhaati laga noqon ko inta waalidka xabsiga ku jiro. Marka xaanshida dhaarta lagu dhaarto ama la markhaati furo, markaa waxaa dib loogu soo celin karaa waalidka kale ama si toos ah ayaa waxaa loogu diri karaa xafiiska CPR.

Haddii loo baahdo baaritaan hidde-side in la isla meel dhigo aabbanimada, qof kastaa wuu buuxin karaa "Arjiga Adeegyada Masruufka Ilmaha, Codsadaha Aan Cayr Qaadan” (JFS 07076) oo ka codsan kara in CSEA ay isla meeldhigaan aabbanimada. Baaritaan hidde-side ayaa waxaa buuxin doona xafiiska shaybaarka ee heshiiska ay la gashay qofka xabsiga ku jira.