Baaritaanka hidda-sidaha

Baaritaanka hidda-sidaha waa mid aan xanuun lahayn oo sahlan haddii aadan hubin cidda aabaha saxda ah yahay.

Haddii waalid midkood uusan hubin cidda aabaha ah, waxaa si xoog leh loogu dhiirigelinayaa inay codsadaan baaritaanka hidda-sidaha.

Baaritaanka hidda-sidaha, oo sidoo kale loo yaqaan baaritaanka DNA, ayaa go'aan ka gaari kara haddii aabbaha eedaysan uu yahay aabbaha saxda ah. Baaritaanku ayaa 99.9% sax ah si loo go'aamiyo suurtagalnimada in ninka yahay aabbaha saxda ah.

Su’aalaha Soo-noqnoqda ee Baaritaanka hidda-sidaha

+ Ma hubno inuu yahay aabaha, laakiin wuxuu rabaa inuu ku qornaado shahaadada dhalashada. Maxaan sameynaa?

  • Haddii waalid midkood aanu hubin in ninku yahay aabaha ilmaha, waa inay tixgeliyaan raadista baaritaanka hidda-sidaha. Foomka Qirashada Dhaarta Aabbanimada (JFS 07038) waa in aan la isticmaalin haddii waalidka labaduba hubiyaan in ninka ku qoran foomka uu yahay aabaha saxda ah.

+ Habka loo qaado baaritaanka Hidda-sidaha?

  • Hidda-sidaha, ama baaritaanka DNA-ga, waxaa lagu maamulaa uruurinta sanbalka waxaana loo diraa shaybaarka si loo barbardhigo macluumaadka laga soo qaaday sambalka ilmaha oo leh sifooyin isku mid ah ee sambalka ninka iyo hooyada.

+ Muxuu baaritaanka hidda-sidaha ku tusayaa?

  • Baaritaanku wuxuu muujinayaa 99.9% hubaal ah in ninku yahay aabbaha saxda ah ee cunugga. Waxay kaloo muujin kartaa haddii ninku aanu ahayn aabbaha saxda ah ee ilmaha

+ Baaritaanku ma xanuun baa?

  • Maya ma ahan. Xaaladaha badankood, suufka xoqidda canka ayaa laga qaadaa hooyada, ilmaha iyo aabbaha eedeysan. Suufka wuxuu ka kooban yahay xoqidda jilicsan ee gudaha canka dhinac kasta oo qaadata wax ka yar hal daqiiqo.

+ Ilaa imisaa jir ayuu ilmahaygu u baahan yahay si loo qaado baaritaanka Hidda-sidaha?

  • Baariaanka hidda-sidaha waxaa lagu samayn karaa carruurta da'doodu yar tahay sida kuwa markaa dhashay iyada oo la adeegsanayo baaritaanka xoqidda canak ee suufka ah, taas oo sambal ka soo qaadda gudaha canka beddelkii laga qaadi lahaa dhiigga.

+ Haddii baaritaanka hidda-sidaha uu muujiyo in 99% ay dhici karto in ninka yahay aabaha saxda ah, ninku miyuu noqon karaa aabe iyada oo aan maxkamad la aadin?

  • Haa, haddii baaritaanka lagu sameeyay meel ka baxsan maxkamadda /CSEA-da. Haddii baaritaanka ay qaaday CSEA-da, markaa CSEA-da ayaa waxay soo saari doontaa amar maamul oo go'aamiya jiritaanka aabbaha iyo xidhiidhka ilmaha.

+ Yaa mas'uul ka ah khidmadda baaritaanka hidda-sidaha?

  • Marka hay'adda fulinta taageerada ilmaha (CSEA) ay aasaasayso aabanimada, walxaha hidd-sidaha (dhiigga ama unugyada canka) ayaa guud ahaan lagu qaadaa goobta CSEA-da. CSEA ayaa waxay bixisaa khidmadda baaritaanka marka hore, laakiin waxay codsan kartaa in aabaha uu dib ugu soo celiyo CSEA-da lacagta baaritaanka mar dambe. Kharashka baaritaankani waa mid aan qaali ahayn. Waa inaad tan kala hadashaa CSEA-da.

+ Halkee baan u aadi karaa baaritaanka hidda-sidaha ama DNA-da?

  • Waalidiinta aan is qabin waxay heli karaan baaritaanka hidda-sidaha iyada oo loo marayo hay'adda fulinta taageerada ilmaha (CSEA) ee deegaanka. Waalidiintu waa inay ku codsadaan baaritaanka goobta degmada ee ay hooyadu degan tahay. Riix Halkan si aad u hesho CSE-da ee degmada hooyada. Kadib marka la helo natiijooyinka baaritaanka hidda-sidaha, CSEA-da ayaa waxay soo saari doontaa amar ah aasaasidda aabannimada ama inaan la aasaasin aabanimada. 
CSEA-da waxay sidoo kale soo gudbin kartaa waraaqo si ay si habboon ugu beddesho shahaadada dhalashada ee ilmaha.

+ Aabaha oo jooga meel ka baxan gobolka. Sidee baan u heli karnaa baaritaanka hidda-sidaha?

  • Hooyadu waxay la xiriiri kartaa hay'adda fulinta taageerada ilmaha (CSEA) ee gobolkeeda si looga caawiyo helitaanka baaritaanka hidda-sidaha marka aabbuhu ku nool yahay meel ka baxsan gobolka.
 

Ma qabtaa wax su’aalo ah? Eeg bogga yaga Su’aalaha soo-noqnoqdo